Amiirka Dalka Qatar Oo Gaaray Sacuudiga Iyo Soo Dhaweyn Soo Loo Sameeyay

0
331

Amiirka Dalka Qatar Oo Gaaray Sacuudiga Iyo Soo Dhaweyn Soo Loo Sameeyay

Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani iyo wafdi ballaaran uu hoggaamiyay ayaa Maanta ka degay Garoonka diyaaradaha Magaalada Callaa ee dalka Sacuudi Carabiya, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka ayaa waxaa Amiirka Qatar Sheekh Tamim uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada dalkaas, waxaana intaas kadib loo galbiyay Madaxtooyada.

Socdaalkan ayaa yimid, kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee dowladda Kuweyt uu ku dhawaaqay  in Sacuudi Carabiya ay dib u furtay xuduudka Cirka, Dhulka iyo Badda ay wadaagto Qatar oo in muddo ah khilaaf uu kala dhexeeyay.

Hoggaamiyeyaasha Wadamada Khaliijka ayaa Maanta oo tallaado waxaa lagu filayaa in Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudi uu uga furmo Shirweyne sanad leh ah oo looga hadli doono Arrimo kala duwan.

Shirkaan Madaxda Wadamada Khaliijka ayaa waxaa intiisa badan looga hadli doonaa heshiiskii ay wada gaareen dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar oo in muddo ah uu khilaaf ak dhexeeyay, balse ay isku fureen xuduudka Dhulka, Badda iyo Cirka.

Wakaalada Wararka ee Sacudi Carabiya SPA ayaa ka soo xigatay Amiirka Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salman ayaa sheegtay in shirka Madaxda Khaliijka ay ku Midoobi doonaan dalalkaas, si arrimaha ka jira Khaliijka meel qura loogaga wada jeesto.

Sacuudiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn, iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi, iyo safarba ku soo rogay Qatar bartamihii sanadkii 2017-dii, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, balse Qatar way beenisay arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here