Muhaajiriin Badan Oo Soomaali Ay Ku Jirto Oo Xaalad Adeg Heysata

0
296

Muhaajiriin Badan Oo Soomaali Ay Ku Jirto Oo Xaalad Adeg Heysata

Wararka laga helayo xero qaxooti oo ku taalla xuduudka u dhexeeya dalalka Bosnia iyo Croatia ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay xaalad adeg ku heysato Muhaajiriin ay Soomaali badan ku jirto.

3000 oo qof qaxooti ah oo isugu jira Soomaali iyo kuwo u ka dhashay dalal kale oo Afrikaan ayaa ku sugan banaanka hore ee Xerada, kadib markii halkaas uu qabsaday xoogan.

Muwaadiniinta ayaa waxaa la sheegay in aysan heysan meel ay qabowga ka galaan, isla markaana ay ku sugan yihiin meel banaan ah oo ay ku heysato xaalad adeg oo bani’aadannimo.

Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladaha Midowga Yurub in ay Deg deg wax ugu qabtaan xaalada daran ee heysato dadkaasi, xili uu jiro qabow aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here