Al-Shabaab oo soo bandhigay muuqaalka raggii weeraray Saldhiggii Mareykanka ee Kenya

0
422

Al-Shabaab oo soo bandhigay muuqaalka raggii weeraray Saldhiggii Mareykanka ee Kenya

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo ku saabsan weerarkii ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya.

Muuqaalkan ayaa lagu soo beegay sanad kaddib weerarkaas, waxaana ka soo muuqanaya shan dagaalame oo weerarkaas fuliyay, iyadoo muuqaalka uu ka hadlayay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarkaas fuliyay ayaa saddex ka mid ah waxay u kala dhasheen dalalka Yemen, Itoobiya iyo Tanzania, halka labada kale ay ahaayeen Soomaali ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool.

Magacyada ragga weerarka fuliyay:-

Abubakar Al-Muhajir, wuxuu u dhashay dalka Tanzania, wuxuu islaamay sanadkii 1436, isagoo ku biray Alshabaab.

Cali Maxamed Cali, waa Itoobiyaan kasoo jeeda Qabiilka Burj, wuxuuse ku dhashay, kuna barbaaray agaalada Nairobi.

Bidix: Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) wuxuu kasoo jeedaa Gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna ahaa taliye ku xigeenkii kooxda weerarka fulisay.
Midig: Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari) wuxuu kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.

Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir) hoggaamiyihii kooxda oo u dhashay dalka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here