QM Oo Shaacisay Dalal Qaabilay Qaxootigii Ugu Badnaa Sanadkii 2020

0
321

QM Oo Shaacisay Dalal Qaabilay Qaxootigii Ugu Badnaa Sanadkii 2020

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR waxay sheegtay in sanadkii tegay ee 2020 oo ay dad badan qaxooti noqdeen sababo la xiriira colaado iyo barakicin xoog leh .

Waxaa UNHCR ay ku qiyaastay dadka qaxootiga noqday ilaa 80 malyuun oo qof . UNCHR waxay sheegtay in ay jiraan wadamo si deeqsinimo leh u qaabilay qaxootiga, kuwaas oo ay uga mahadcelinyeyso.

Wadaman ayey sheegtay in dadka qaxootiga ay dareemaan nabad galyo iyo wel wel la’aan. Wadamada lagu amaanay doorka ay ka qaateen qaabilaada qaxootiga ayaa waxaa ay kala yihiin.

Turkey

Columbia

Pakistan

Uganda

Germany

Dalka Turkiga oo qaabilay qaxootiga uga badan kuwaas oo ka yimi dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya ayaa waxaa uu magangalyo siiyay 3.6 malyuun oo qof .

Dalka Colombia waxaa uu magan galyo siiyay 1.8 malyuun oo qof.

Pakistan waxay qaabishay 1.4 malyuun oo qof

Dalka ku yaala bariga Afrika ee Uganda ayaa qaabilay 1.4 malyuun, waana dalka kaliya ee ku yaala Afrika ee soo galay liiska wadamada deeqsiga ku ah magan galyada qaxootiga.

Dalka Jarmalka ee Qaraadda Yurub ayaa qaabilay 1.1 malyuun oo qaxooti ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here