Axmed Madoobe “Waxaan Diyaar U Ahay In Aan Sameeyo Wax Kasta Oo Tanaasul Ah”

0
468

Axmed Madoobe “Waxaan Diyaar U Ahay In Aan Sameeyo Wax Kasta Oo Tanaasul Ah”

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka socda Garoowe, isagoo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrinta Gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka mar kasta dowladda ay ku daabusho Gobolka Gedo ay ka leedahay danno gaar ah, isla markaana Ciidankaas loogu tala-galay inay dagaal la galaan kuwa Jubbaland ee halkaas ka saaray Al-shabaab.

Arrinta Gedo ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in dhowr jeer la isku dayay in xaliyo kahor inta aan heshiiska laga gaarin doorashada dalka, wuxuuna xusay in arrintaas Guddi loo saaray, hayeeshee wax kasta oo lagu doonayay in xaliyo ay fashilmeen.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Madaxda dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka shaqeeyan arrimo aan xiligaan loo joogin, isla markaana ay ja mashquuleen doorashadii lagu heshiiyay ee dalka ka dhaceysa.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayuu ku baaqay in heshiis laga gaaro khilaafyada ka taagan doorashada, lana xaliyo wax kasta oo jira, isla markaana waxaa uu cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu sameeyo wax kasta oo tanaasul u ah dowladnimadda Soomaaliya.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe ka hadlay, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal arrintaas, isla markaana uusan difaacin Kenya, uuna yahay muwaadin Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here