Shan Arrimood oo ay ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi

0
343

Shan Arrimood oo ay ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi

Sida ku xusan war murtiyeedka wadajirka ah, labada hoggaamiye ee ku kulmay Nairobi waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqyo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

  • In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.
  • In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.
  • Sameynta tababarro iyo dhisitaanka xirfadaha bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here