Duqa Muqdisho oo ka hadlay banaanbaxyadii ka dhacay Caasimada

0
292

Duqa Muqdisho oo ka hadlay banaanbaxyadii ka dhacay Caasimada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa ka hadlay banaanbixii rabshadaha watay ee ka dhacay shalay degmooyinka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar filish waxaa uu sheegay in dadkii shalay banaanbaxay ay ku jireen maleeshiyaad hubeysan oo hub watay, kuwaasna uu sheegay inay kasoo horjeedaan go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya.

“Mar haddii dadkeenii uu noqday kuwo u jilicsan cadawga, kuwo annaga naga mid ah oo ayaga ay leeyihiin ayaa rabshado bilaabay, Waxaan baraha bulshada ku arkay kuwo Indhaha uu u duuban yahay, waana kuwo u adeegaya Kenya ayuu yiri” Guddoomiye Filish.

Sidoo kale guddoomiye Cumar Filish ayaa ka digey in la burburiyo wadooyinka laamiga ah ee laga dayactiray magaalada Muqdisho.

“Waxaan indhaheyga ku arkay laamigii bilo kahor aan dhisnay oo taayaro waaweyn lagu gubayo, wadadii aad codsateen in la idin dhiso oo hada dhismaheedu socdo, idinkood u jeeda qaar yar oo aan waxba ogeyn inay taayaro ku shidaan wadada, waa taas cabsida aan qabo” ayuu yiri Cumar Finish.

Warka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa waxaa uu ka mid yahay hadalo kulkulul oo ay qaar ka mid ah madaxda dowlada federalka ugaga hadleen banaanbaxyadii ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here