Qofkii u horreeyay oo madow ah oo loo magacaabay Xoghayaha difaaca Mareykanka

0
260

Qofkii u horreeyay oo madow ah oo loo magacaabay Xoghayaha difaaca Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa Xoghayaha difaaca u magacaabay Lloyd Austin oo ah Jeneraal howlgab ahaa oo 67 sano jir ah.

Jen. Austin ayaa noqonaya qofkii u horreeyay oo Afrikaan ah oo Madax ka noqda Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Jeneraalka ayaa horay uga soo howlgalay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan oo soo hoggaamiyay Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa dalalkaas.

Sidoo kale waxaa uu hoggaamin jiray Taliska Dhexe ee Mareykanka intii uu jiray Maamulkii Barack Obama.

Jeneraalkan ayaa u baahnaan doona ansixinta Aqalka Congress-ka, maadaama muddo 7 sano ka yar uu ahaa howlgab.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xilka la wareegi doona 20 bisha Janaayo, xilligaasoo si rasmi ah loo caleema saarayo, inkastoo Trump weli diidan yahay inuu aqbalo in looga adkaado natiijada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here