Dadkii ugu horeeyay oo Cimro u tagay Sacuudiga ka dib xanibaadii Corona

0
454

Dadkii ugu horeeyay oo Cimro u tagay Sacuudiga ka dib xanibaadii Corona

Dadkii ugu horeeyay oo ka yimid dibadda ayaa gaaray magaalooyinka barakeysan ee Sacuudiga, tan iyo wixii ka dambeeyey markii dalkaas lagu rogay xanibaada socdaalka ee ka dhalatay cudurka COVID-19 bilowgii sanadkan.

Dadkan doonaya inay cumraystaan oo gaaraya 135 qof ayaa ka yimid dalka Indonesia, iyagoo ilaalinaya nidaamka looga hortegaayo faafidda cudurka Korona.

Waxay geli doonaan 3 maalin oo karantiil ah si loo hubiyo caafimadkooda sidoo kalena loo hirgeliyo nidaamka u yaal wasaaradda Xajka iyo Cimrada sida dowlada sacuudigu sheegtay.

Sacuudiga ayaa dhowaan ogolaaday dadka gudaha jooga inay cimraystaan, iyadoo la ilaalinaayo badqabka dadka, loona hoggaansamaayo tallooyinka hey’adaha Caafimaadka ee ka hortaga cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here