Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo taleefanka ku wada hadlay

0
384

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo taleefanka ku wada hadlay

Madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka Qatar ee QNA, Amiirka Qatar ayaa ayaa xalay fiidkii taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo.

Intii ay socdeen wada hadalada khadka taleefanka ayaa waxay dib u eegeen xiriirka labada geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal, iyo qaababkii lagu taageeri lahaa, loona sii xoojin lahaa.

Dowladda Qatar ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo horaantii sanadkii 2017 ayaa si dhow u taageertay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa la rumeysan yahay inay mar kale taageeri doonto dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, si ay danaheeda Soomaaliya u ilaashato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here