Qaramada Midoobay Oo War Kale Kasoo Saartay Duufaantii Puntland

0
277

Qaramada Midoobay Oo War Kale Kasoo Saartay Duufaantii Puntland

Qaramada Midoobay ayaa mar kale hadashay duufaantii iyo roobabkii maalin kahor ka da’ay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadkii ku barakacay duufaantii ku dhufatay Gobolada Gardafuu iyo karkaar ee Puntland ay kordheen, iyagoona  gaaray 42,000 oo qof, kuwaasi oo ay heysato xiligaan xaalad adeg.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in 3,500 guri oo ay deganaayeen dad u badan xoolo dhaqato ay duufaanta burburisay, isla markaana duufaanta ay aheyd mid ku socotay xawaare aad u sarreeya.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah Gargaar loo gaarsiiyo dadka xaalada Bani’aadannimo ay ku heysto deegaano ka tirsan Puntland, kuwaasi oo ay  saameeyeen duufaanta iyo roobabkii da’ay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

9 qof oo yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday duufaantii ku dhufatay degmada xaafuun, halka 4 qof kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoona weli la baadi goobayo kalluumeysto isugu jirtay Soomaali iyo Ajaanib oo badda ku jiray xiligaas.

Waxaa weli go’an Isgaarsiintii Gobolada Gardafuu iyo karkaar ee Puntland, kadib markii dabeysha ay burburisay antooyinkii Shirkaddaha Isgaarsiinta ee halkaas ka shaqeynayay, waxaana aad u adeg in xog dheeraad ah laga helo deegaanada.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay wadaan dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadkii ay saameeyeen duufaanta iyo roobabkii xooganaa ee da’ay, waxaana sidoo kalena xaalad adeg ay heysaa qoysas kunool Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here