Jilayaasha Ugu Waaweyn Bollywood-ka Oo Dacwad gudbiyay Iyo Cida Laga Gudbiyay Dacwadaasi

0
1907

Jilayaasha Ugu Waaweyn Bollywood-ka Oo Dacwad gudbiyay Iyo Cida Laga Gudbiyay Dacwadaasi

Qaar ka mid ah filim soo saareyaasha ugu waaweyn shirkadda Bollywoodka ee dalka Hindiya ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah wax ay ugu yeedheen “Warbaahinta qeyru-mas’uulka ah” ee dalka Hindiya.

Tallaabadan ayaa daba socota arrimaha la xidhiidha geeridii jilaagii caanka ahaa ee lagu magacaabo jiray Sushant Singh Rajput, oo dhintay bishii June.

Waxaa la aaminsan yahay in atoorahaas oo ka tirsanaa Bollywood-ka uu isagu isdilay, laakiin kiiskaas waxaa dhowr bilood hurinayay warar la isla dhexmarayay oo ay faafiyeen telefishinnada.

Tobannaan shirkadood, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin xiddigaha kala ah Shah Rukh Khan, Aamir Khan iyo Salman Khan ayaa qaaday tallaabo.

“Nolosha dadka ka tirsan Bollywood-ka waxaa saameyn weyn ku yeeshay sida khaldan ee ay ololaha u wadaan dadka dacwada laga yahay,” ayaa lagu yidhi kiiska la gudbiyay.

Geerida jilaagaas ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u heysatay hadal-heynta guud ahaan warbaahinta dalka Hindiya.
Isku darka 34 filim soo saare iyo shan shirkadood ayaa ku biiray kiis ka dhan ah labo telefishin oo laga leeyahay Hindiya iyo afar warite, kuwaasoo aan wali ka jawaabin eedeymaha loo heysto.

“Waxaa faragalin lagu sameeyay xuquuqaha gaarka ah ee xubno ka tirsan Bollywood-ka, sharaftoodana waxaana sharaftooda la gaadhsiiyay dhaawacyo aan kasoo kabasho lahayn, iyadoo guud ahaan Bollywood-ka laga dhigay shirkad dambiile ah, oo daroogada ka ganacsata, shacabkana waxaa laga dhaadhiciyay in Bollywood ay tahay meel lagula dhuunto dambiyada iyo maandooriyeyaasha,” ayaa lagu yidhi dacwadda ka dhanka ah telefishinnada iyo suxufiyiinta.

Rajput, oo 34 jir ahaa, ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai, 14-kii bishii June. Booliska ayaa markaas sheegay inuu isdilay.

Laakiin qoyskiisa ayaa markii dambe laamaha amniga u gudbiyay cabasho ka dhan ah gabadhii ay saaxiibka ahaayeen, oo ah atariishada lagu magacaabo Rhea Chakraborty, iyagoo ku eedeeyay inay sabab u ahayd dilkii wiilkooda iyo dambiyo kaleba. Hase yeeshee iyadu dhammaan way beenisay eedeymahaas.
Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, tiro ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka, oo ay ka mid tahay atariishada caanka ah ee Deepika Padukone, ayaa wajahayay su’aalo qeyb ka ah baadhitaanka dhimashadii Rajput – inkastoo cidna aan toos loogu eedeynin waxyaabo khaldan.

Kiiskaas waxaa hadda baadhitaan ku wada saddex hay’adood oo ka tirsan dowladda.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada lagu hadal hayay warar aan rasmi ahayn oo lagu xamanayay dad la sheegay inay atoorahaas ku kallifeen inuu isdilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here