RW Rooble Oo Shaaciyay Sababta Loo Furay Wadooyinkii Xirnaa Ee Muqdisho

0
445

RW Rooble Oo Shaaciyay Sababta Loo Furay Wadooyinkii Xirnaa Ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta shaaciyay inuu kamid ahaa muddo bil kahor dadka shacabka ah ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlaayay Munaasabad lagu daah-furayay waddooyinka ee Muqdisho ayaa sheegay in waddooyinkii xirnaa ee Caasimadda dalka loo furay si loo fududeeyo nolosha, Ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha Gobolka.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Shacabka Muqdisho ay muddo badan dhibaato ku qabeen xirnaashaha waddooyinka, isagoona raali-geliyay shacabka ku dhaqan Caasimadda ee dhibaatada ku qabay xirnaanshiyaha waddooyinka.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in haatan la furay qaar kamid ah waddooyinka, welina ay harsan yihiin kuwo kale, hayeeshee furitaanka waddooyinka xiran laga sugayo la shaqeyn shacabka ee laamaha amniga dowladda.

Si kastaba Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayaa dhibaato farabadan ku qabay xirnaashaha waddooyinka, waxaana dowladda haatan la furtay waddooyin dhowr ah, isla markaana laga qaaday dhagxaanta markii horey lagu jaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here