Daadadka Iyo Fatahaadaha Ka Dhacay Dalka Suudaan Oo Saameeyay 9 Milyan Oo Reer Sudan Ah

0
359

Daadadka Iyo Fatahaadaha Ka Dhacay Dalka Suudaan Oo Saameeyay 9 Milyan Oo Reer Sudan Ah

Hay`adda Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha ayaa sheegtay in sagaal milyan oo dadka reer Suudaan ah ay u baahan yihiin gargaar, sababo la xiriira daadadka.

Hay`adda ayaa BBC-da u sheegtay in malaayiin hiktar oo dhul-beereed ah ay daadadku saameeyeen.

Inta badan gobollada Sudan waxaa ka dhacay daadadkii ugu ba`naa muddo tobnaan sano ah, iyadoo roobab xooggan ay ka da`een bishii July.

Roobka ayaa haatan yaraaday, biyaha daadadkuna way sii gurayaan, balse waxay sababeen xaalad bani`aadannimo.

Hay`adda FAO ayaa sheegtay in hal milyan oo tan oo badar ah ay daadadku xaaqeen. Waxaa sidoo kale laga baqayaa in daadadku ay sababaan cudurrada biyaha ka dhasha.

QM ayaa ka digtay in dhaqaale yaraan, sicir bararka iyo shidaal yaraanta ka jira Sudan ay carqaladeynayaan dadaallada gargaarka degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here