Al-Shabaab Oo Sii Deysay Dhaqaatiirtii Caafimaad Ee Cuba Ay Afduubteen

0
488

Al-Shabaab Oo Sii Deysay Dhaqaatiirtii Caafimaad Ee Cuba Ay Afduubteen

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sii daayay dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo gudaha Kenya ay ka afuubteen, xili halkaas ay howlo Caafimaad u joogeen, sida ay shaacisay Cuba.

Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Cuba Bruno Rodriguez oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu shaaciyay in Al-shabaab ay sii daayeen labadii dhaqtar ee muddo ka badan sanad qaab afduub ahaa ugu geysteen gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiir Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya sii deynta Labadaas oo dhaqtar oo lagu magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, wxuuuna qadka telefoonka kula hadlay Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Ilaa iyo hada lama oga qaabkii lagu siiyay dhqaatiirtii u dhashay Cuba, hayeeshee  Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Wakaalada wararka AP ayaa u sheegay in wada-hadallo lagu sii daayay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Assel Herrera iyo Landy Rodriguez xilli ay ku sugnaayeen Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barre ee dalka Kenya, waxaana dhaqaatiirtaas ay kamid ahaayeen 100 dhaqtar oo Dowladda Kenya ay ka keentay Cuba si ay Gobolada Dalka adeeg caafimaad uga fuliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here