Ajay DevgnAjay Devgn walaalkııs anıl devgan oo Geerıyooday

0
1923

Ajay Devgn walaalkııs anıl devgan oo Geerıyooday

Jilaaga shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood, Ajay Devgn iyo qoyskiisa ayaa ka baroordiiqaya geerida ku timid walaalkiis Anil Devgan, oo dhintay maalintii Isniinta.

Atooraha ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay geerida walaalkiis, isagoo sheegay in dhammaan qoyskiisu ay “ka qalbi jabsan yihiin” dhacdadaas.

Anil Devgan ayaa agaasime ka ahaa labo filin oo uu jilay Ajay, kuwaasoo kala ah Raju Chacha iyo Blackmail.

Wuxuu sidoo kale ahaa agaasimaha dhinaca hal abuurka ee wiilka uu dhalay atooraha, Sardaar.

“Xalay waxaan waayay walaalkey Anil Devgan. Geeridiisa xanuunka leh way qalbi jabisay qoyskeenna. Aniga iyo ADFF waan u xiisi doonnaa joogitaankiisii. Usoo duceeya. Cudurka safmarka ah awgiis, uma sameyn doonno kulan duco ah,” ayuu Ajay ku yidhi bartiisa Twitter-ka.

Taageerayaasha Ajay ayaa qoyska u muujiyay inay la garab taagan yihiin duco.

Ajay aabihiis, oo ka mid ahaa agaasimeyaasha filimada ee ugu waaweyn shirkadda Bollywood-ka, Veeru Devgan, ayaa geeriyooday sanadkii lasoo dhaafay.

Bishii May ayuu jilaagu Twitterkiisa kusoo bandhigay xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dhimashada aabbihiis. Wuxuu soo dhigay sawirro midabkoodu caddaan iyo madow yahay oo ay la socdaan qoraallo murugo leh.

Veeru wuxuu kasoo qeyb qaatay ilaa 80 filim oo ay ka mid yihiin Lal Baadshah iyo Ishq. Wuxuu sidoo kale agaasimay filimka Hindustan Ki Kasam, oo soo baxay sanadkii 1999-kii, kaasoo ay ka dhex muuqdeen jilayaasha kala ah Amitabh Bachchan, Ajay iyo Manisha Koirala.

Ajay filimkii ugu dambeeyay ee lagu arkay wuxuu ahaa Tanhaaji, oo soo baxay horaantii sanadkan.Filimka xiga ee la filayo in lagu daawado waa Bhuj, oo ay isla jilayaan Sanjay Dutt, Sonakshi Sinha iyo kuwo kale. Filimkaas ayaa goor dhow laga sii deyn doonaa bogga Disney+ Hotstar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here