Itoobiya: Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay xiriirka u jarto gobolka Tigray

0
538

Itoobiya: Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay xiriirka u jarto gobolka Tigray

Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in Dowladda Federaalka ay xiriirka u jarto hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku yaalla, kaddib xurguf soo kala dhex gashay oo ku aaddan doorashada dib loo dhigay.

Go`aankan micnihiisu maaha in xiriirka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba go`ayo. Dowladda Federaalka ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka, iyadoo siin doonta adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay.

Balse waxaa laga yaabaa inay joojiso lacagihii ay siin jirtay sida baarlamaanka Tigray.

Dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan weli ka jawaabin arrintaas.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September kuna tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah.

Xisbiga (TPLF) eek a taliya gobolka ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October – ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku uusan ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka.

Xisbiga TPLF ayaa u yeeray xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka.

Doorashada Itoobiya ayaa la qaban doonaa bisha September sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here