Xasan Cali Khyre Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele

0
463

Xasan Cali Khyre Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay maadxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulanku uu ahaa mid xasaasi ah oo labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa madaxweynaha Jabuuti waxaa si weyn usoo dhaweeyay Musharrax maadxweyne Xasan Cali Kheyre, waxaana kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Siysaadda kala guurka ah ee dalka, waxaana si gaar ah ay kaga wada hadleen doorashada Soo aaddan, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynenimo ee dalka, waaxana uu ka mid noqon doonaa sida uu sheegay Siyaasiyiinta u taagan in ay u tar-tamaan sidii ay u hanan lahaayeen Xilka Madaxweynenimo.

Waxaana kulanka uu Jabbuuti ku tagay ay wararku sheegayaan in uu yahay mid la xariira sidii uu ugu diyaar garoobi lahaa Tar-tan adag oo uu la galo siyaasiyiinta kale ee u hanqal tagaya Xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Safarka Xasan Cali Kheyre ee Jabuuti ayaa ah, kiisii ugu horreeayay ee uu dalka kaga baxo, tan iyo markii laga Qaaday Xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxweyne farmaajo soo Magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here