Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Kuwait?

0
459

Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Kuwait?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saqdii dhexe ee xalay gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait, iyagoo lagu soo dhaweeyay halkaas.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda uu la kulmi doono.

Wasiir Cawad ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble inta uu ku suagn yahay Magaalada Kuwait uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda qaar eek a qeyb galeysa acsida iyo ducada Sheikh Sabaax, isagoo booqan doona qabriga amiirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here