Madaxweynaha Maraykanka Oo Laga Helay Caabuqa Covid19

0
404

Madaxweynaha Maraykanka Oo Laga Helay Caabuqa Covid19

Madaxweynaah Dalka maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay in laga helay Caabuqa Covid19, waxaana wararku ay sheegayaan in isaga iyo Xaaskiisa laga helay Feeriska.

Trump oo dhankiisa ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in uu Possitive yahay, lagana helay Xanuunka kadib markii Baaritaan lagu sameeyay isaga iyo Marwada Kowaad ee Dalkaasi Maraykanka.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twiter-ka ayuu ku sheegay in laga baaray xanuunka kadibna laga helay caabuq dunida Saameeyay ee Covid19, waxaana uu shegay in ay is karatiileen isaga iyo Marwada koowaad ee dalkaasi.

Dhawaan ayaa Caabuqan waxaa laga helay mid ka mid ah lataliyayaashiisa aadka ugu dhaw Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here