Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda M/Goboleedyada Oo Mar kale Shir Yeeshay

0
358

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda M/Goboleedyada Oo Mar kale Shir Yeeshay

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa xalay shir ku yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada qaarkood oo safar uga baxay Magaalada ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda, waxaana ugu dambeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xalay soo gaaray Muqdisho.

Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor ansixiyay heshiiskii Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamulada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka gaareen Doorashada dalka ee 2020/2021.

Ansixinta heshiiskaas ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan Madaxda maamulada dalka, waxaana Madaxda ay mar kale sii yeelan doonaan kulamo kale oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii laga gaaray Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here