Paakistan Ku Eedeysay Hindiya Maal-Gelinta Islaam Naceybka

0
376

Paakistan Ku Eedeysay Hindiya Maal-Gelinta Islaam Naceybka

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.

Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha oo loo dhan yahay ee QM oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolashada ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.

Ra’iisul wasaare Khaan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go’aanka ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.

Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir, India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo hor jeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas’uul ka tahay xuquuq la’aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here