Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur

0
438

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo dhawaan xaalada caafimaad loogu qaaday.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wakiilada Somliland ayaa tacsi loogu diray ehelada, Qaraabada, Xildhibaaanada Golaha Golaha Wakiilada iyo guud ahaan Shacbka Somaliland.

“Ku simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Xukuumadda Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Maamulka iyo Xildhibaanada aqalka wakiiladu waxay dhambaal Tacsi ah u dirayaan, ehelkii, qaraabadii, Shacabka reer Somaliland iyo Golayaasha kala duwan ee qaranka ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur oo maanta ku geeriyoodaydalka u turkiga oo xanuun loogu qaaday”. Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wakiilada Somaliland.

Sidoo kale Xildhibanadu waxaa ay tacsi u direen dhammaan Ehelka iyo Qaraabada, Jano Ka Waraabiyo, waxaana Alle uga baryeen in Janatul fardowsana Rabbi ku casuumo “Waxaan Ilaahay uga Baryaynaa Marxuumka Inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Janatul fardowsana Rabbi ku casuumo, Baarlamaanka, Waxgaradka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Saadiqa Ka Siiyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here