Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Axmed Madoobe Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
338

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Axmed Madoobe Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Kulan Saacado badan qaatay ayaa Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka ayaa yimid ka dib markii Saacaddihii lasoo dhaafay xubnaha beesha Caalamka ay xoogga saareen sidii kulanka u dhici lahaa, islamarkaana labada dhinac ay cadaadis saareen.

Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ugu muhiimsanaa Sidii uu furmi lahaa shirka Saddex geesood ah ah iyo Arrinta Gedo.

Ilo Wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in labadda hoggaamiye ay wada gaareen is faham hordhac ah, iyagoo u saaray Guddi min hal xubnood oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gobolka Gedo.

Maanta lagu wadaa in uu furmo shirka Puntland, Jubbaland iyo Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here