Puntland oo sii deysay rag sanad ka badan u xirnaa dilkii iyo kufsigii Hodan Shanlayste

0
331

Puntland oo sii deysay rag sanad ka badan u xirnaa dilkii iyo kufsigii Hodan Shanlayste

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xasbiga ka deysay lix ka mid ah 7 nin oo loo heystay fal isugu jira dil iyo kufsi, kuwaas oo sanad ka badan ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Raggan ayaa maxkamaddu ay dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii ay shaacisay in lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay todobada eedaysane, islamarkaana loo adeegsaday shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ayna soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin.

Sidoo kale wuxuu amray in xabsiga lagu hayo eedeysanaha 7-aad oo wareysiyo hore uu bixiyey ku qirtay inuu ku lug lahaa falkaasi, si baaritaano kale loogu sameeyoMaxkamadda gobolka Nugaal ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay falkan oo sanadkii hore lagula kacay haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here