Shaqaalle Hargeisa Ka Tegay Oo Sabab U Noqday In La Xidho Xaruntii VISA-ha Turkey Ee Muqdisho

0
424

Shaqaalle Hargeisa Ka Tegay Oo Sabab U Noqday In La Xidho Xaruntii VISA-ha Turkey Ee Muqdisho

Xafiiskii VISA-ha Turkey ee Muqdisho (MZ VISA) ayaa gebi ahaanba la xiray maanta sababo la xiriiro khilaaf ka dhashay shaqaale ka yimid magaalada Hargeysa oo halkaas la geeyey.

Sababta loo xidhay xafiiska ayaa ah kadib markii mas’uul ka tirsan safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa uu xafiiskaas keensaday shaqaale tiro badan taasina ay keentay inay ka horyimaadaan maamulka shirkadda MZ VISA ee xafiiska Muqdisho.

Mas’uulka ka tirsan Safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa raba inuu xafiiskan ku wareejiyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan Xafiiska MZ VISA ee Hargeysa .

MZ VISA ayaa ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxaana iska leh nin u dhashay dalka Turkiga oo qandaraas ka haysta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana tan iyo markii shirkaddaan la sameeyey la joojiyey dadkii sida toos ah u tagi jiray Safaaradda.

Xafiiska VISA-ha Turkey ee Muqdisho ayaa ahaa xafiis ay codsiyadooda geystaan dadka doonaya inay helaan fiisooyinka Turkiga qeybihiisa kala duwan, waxaana hadda xayiran shaqadaas kadib qalalaaso iyo fooda ka dhacday habka shaqada ee Xafiiskaas.

Xirnaanshaha Xafiiska ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo doonayey inay codsiyo geystaan MZ VISA kuwaas oo ay ku jiraan kuwa xanuunsan oo ku jiro xaalado deg deg ah.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho weli kama aysan hadlin isku dhaca ka jira Xafiiska loo soo marin jiray codsiyada Viisooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here