Saygii Hore Ee Ilhaan Cumar Oo Iska Diiday Casuumaad Uu Ka Helay Donald Trump

0
343

Saygii Hore Ee Ilhaan Cumar Oo Iska Diiday Casuumaad Uu Ka Helay Donald Trump

Xilli uu Madaxweynaha Maraykanka galaangal badan ugu jiro Ololihiisa Dib-u-doorashada ayaa waxa uu bilaabay inuu sameeyo Dhacdooyin Mar-la-arag ku ah muddadii uu xilkaasi hayey.

Madaxweyne Trump oo malaha Siyaasad ka soo gashay inuu casuumo Saygii hore ee Xildhibaand Ilhaan Cumar ayaa waxa uu kala kulmay Weji-gabax, kadin, markii uu Axmed Xersi ka biyo-diiday Qaabilaadaasi.

Nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban.

Madaxweynaha Mareykanka aa casumaad ii soo direy in uu ila kulmo. Rag aan ogahay hadeey fursadaan heli lahaayeen, inteey sawir la soogalaan ey dhihi lahaayeen, waxaan ka wada hadalney arimaha Soomaaliya. Wuu ku mahadsanyahay Madaxweynaha laakiin ma kulmi karno!!

 

Dhinaca kale, Tallaabadda Axmed Xersi ku laalay Casuumaadii Donald Trump ayaa waxa uu War Micno-sameeye ah u noqon karaa Ilhaan Cumar oo iyadu dagaal siyaasadeedkii ugu darnaa kula jirta Madaxweyne Trump oo isaga had iyo jeer Twitter-kiisa soo dhiga Qoraallo uu ku faduulinayo Ilhan Omar oo loo arko inay Trump ku noqotay Laf dhuun gashay oo kale.

 

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Xersi iyo Ilhaan Cumar waxay kala tageen sanadkii 2011-kii, waxayna u dhashay 3 carruur ah (1-Wiil iyo 3 Gabdhood).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here