Aabe Wiilkiisa Ku Dilay Jawhar Oo Wabiga Ku Riday Oo Ka Sheekeeyay Sobobta Uu Wiilkiisa Uu Dilay

0
429

Aabe Wiilkiisa Ku Dilay Jawhar Oo Wabiga Ku Riday Oo Ka Sheekeeyay Sobobta Uu Wiilkiisa Uu Dilay

Ciidanka Booliska Saldhigga Magaalada Jowhar aya Maanta soo bandhigay Aabbe Habeen ka hor Wiilkiisa ku dilay gudaha Magaladaas, waxaana warbaahinta la hadlay Aabaha Wiilkiisa dilay isagoo ka war bixiyay qaabka uu dilka u hgaystay iyo waxa ku qabsay in uu dilo wiil uuisagu dhalay.

Maxamed Dhaayoow Aadan oo ah Aabbaha Willkiisa dilay ayaa sheegay in wiilkiisu uu ku noqday Caasi sidaa darteedna uu go’aansaday in uu dilo, waxaana intaas uu ku daray in dhawr jeer uu dhibaato u gaystay dadka daris ah, isagoo sheegay in dhaqan xumo iyo sidoo kale isticmaalka maandooriyaha uu maaro uga waayay sidaa darteena uu dilay kadibna uu maydiisa wabiga ku riday.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Dhaayoow, waxaana da’diisu ay ahayd 20 sano.

Aabbaha dilay wiilkiisa ayaa markii uu falka gaystay waxaa uu isku dayay in uu baxsado, balse waxaa gacanta kusoo dhigay Ciidanka Booliska Degmada jowhar, waxaana sida la sheegay uu isku dayay in uu ku dhuumalaysto beero ku yaalla bannaanka Magaalada.

Taliska Saldhigga Jowhar ayaa sheegay in ay Maxkamad u gudbin doonaan Aabbaha dilka gaystay, waxaana taliyaha Saldhigga uu sheegay in ay gacanta ku hayn doonaan tan iyo inta sharciga lasoo taagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here