DEG DEG : Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Goordhow Geeriyooday

0
545

DEG DEG : Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Goordhow Geeriyooday

Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku geeriyooday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Xasan Ciise.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka saddexdii maalin ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Qaran ee Magaalada Garoowe, hayeeshee goordhaweyd xanuunii haayay uu u dhintay.

Geerida Marxuum Maxamed Xasan ayaa waxaa xaqiijiyay Qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Maanta oo sabti ah xaalad Caafimaad loogu soo qaadi rabay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xanuun saa’id qabtay.

Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada dowlad Goboleedka Puntland ayaa la sheegay inuu u geeriyooday neef-qabatin ama naqaska oo ku xirmay, 3 saddex maalmood, ayuu xanuunsanaa oo qandho, madax xanuun iyo naqasku qabanayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here