Uganda Oo Shaacisay Inay Diyaarado Dagaal U Soo Direyso Somalia

0
435

Uganda Oo Shaacisay Inay Diyaarado Dagaal U Soo Direyso Somalia

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarado nooca dagaalka ay usoo diri doonaan gudaha dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Uganda.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Richard Karemire in diyaarada ay Soomaali u soo diri doonaan ay yihiin kuwa qumaatiga u kaca ee Helikoptarada, si ay taageero uga geystaan howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidnka Uganda ayaa waxaa uu tilmaamay in qorshaha diyaaradaha lagu soo dirayo uu yahay mid lagu doonayo inay ka qeyb qaatan xiliyada ay Ciidanka AMISOM ay fulinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Richard Karemire ayaa waxaa xusay in Dowladda Uganda ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Soomaaliya, hayeeshee ma uusan xusin Tirada Diyaaradahaasi iyo xilliga la soo diri doono.

Si kastaba Dowladda Uganda ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga 6,000 oo Askari, iyadoona markii ugu horreeysay muddo 8 sano kadibna ay sheegtay inay diyaarado Helikoper ah u soo diri doonaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here