Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidanka Puntland Iyo Daacish

0
440

Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidanka Puntland Iyo Daacish

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo gelinkii hore ee shalay dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maaamulka Puntland iyo xubno ka la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Timirshe oo hootega Degmada Isku dhuban ee Gobolka Bari, waxaana dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Daacish ay ku lahaayeen Timirshe.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka inta uu socday la isku adeegsanayay huba noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka inta uusan dhicin kahor Timirshe ay duqeyn ka fuliyeen diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin Ciidanka Mareykanka, waxaana intaas kadib dhacay dagaalka.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas lagu dilay 8 xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish, isla markaana la burburiyay laba gaari oo ay wateen, In kasoo aan weli la xaqiijin.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamuulka Puntland oo ay uga hadlayaan Khasaaraha dagaalka, hayeeshee waxaa ay xaqiijiyeen oo kaliya inay dagaal saacado dhowr ah qaatay ay la galeen Ururka Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here