Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Shaaciyay In Ay Dhisayaan Deked Ay Ku Baxayso 180 Milyan

0
395

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Shaaciyay In Ay Dhisayaan Deked Ay Ku Baxayso 180 Milyan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay mareyso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.

“Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad.

Afhayeenka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sharaxaad ka bixiyay kulanka Deni iyo Waxgaradka Mudug iyo qodobadii kasoo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here