Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

0
321

Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Maanta oo talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu kulan jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa waxaa uu yahay ansixinta xeerka asteynta kuraasta Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Munadayaasha ay Cod gacan taag u qaadan xeerkaas.

Dhinaca Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay go’aanka laga gaarayo murano ka taagnaa Asteynta kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la ansixinayo xeerkaas.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanada kuraasta ay ku fadhiyaan loo madax banaaneeyay in halka ay rabaan geysan karaan, hayeeshee shuruud looga dhigay in uusan bixin Xildhibaanka Maamul Goboleedkii marka hore laga soo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here