Xukuumada Somaliland Oo Mar Kale Daah-Furtay Mashruuc Lagula Dagaalamayo COVID-19

0
454

Xukuumada Somaliland Oo Mar Kale Daah-Furtay Mashruuc Lagula Dagaalamayo COVID-19

Mashruuca maamul daadejinta Dawladda Hoose ee loo soo gaabiyo PLG ayaa sannadkan loo bedelay la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka COVID-19, iyadoo laga fulinaayo degmooyinka ee uu ka jiro Adeega PLG-gu, waxaana sannadka mashuurucu uu ka qeyb qaadanayaa sidii dadka looga bad baadin lahaa xanuunkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xafiiskiisu maamulo Mashruucaasi PLG isla sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddida heer ee ka hortaga iyo la dagaalanka COVID-19 oo mashruucaasi maanta daah-furay ayaa Guddoomiyeyaasha 11-ka Degmo uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen dedaaladii bulshada lagu bad baadinayey.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Guddoomiyeyaasha Degmooyinkaasi kula dardaarmay inay sannadkan u filiyaan mashuurcaasi sidaa lagu saxeexay, loona baahan yahay in bulshada la gaarsiiyo islamarkaana guddida heer qaran ay soo waddo habraacyo lagu dhaqi doono Bulshada si looga badbaado xanuunka COVID-19.

Mashruucaas oo hore Degmooyinka looga fulin jiray islamarkaana ahaa maamul daadejinta iyo horumarinta Degmooyinka ayaa haatan markii ugu horaysa noqonaya mid ka qeyb qaata xaalada la dagaalanka Xanuunka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here