Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Cudurka COVID-19 Ee Somalia Oo Gaartay 2,860

0
422

Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Cudurka COVID-19 Ee Somalia Oo Gaartay 2,860

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 11 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 837.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 25 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 17, Gobolka Banaadir 7 qof iyo Koonfur Galbeed 1 qof ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,860.

Bukaannada cusub 18 ka mid ah waa rag 6-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here