Somaliya iyo Jabuuti oo ka horyimid qaraar lagu taageerayay Masar

0
407

Somaliya iyo Jabuuti oo ka horyimid qaraar lagu taageerayay Masar

Dalalka Somaliya, Jabuuti iyo Qatar ayaa si rasmiya uga horyimid qaraar ay Jaamacadda Carabta ku taageereysay dalka Masar, oo xilligan uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Itoobiya, iyadoo labada dal uu khilaafkooda la xiriiro murunka biyaha Webiga Nile.

Qaraarkan ayaa waxa uu faraya in Dowladda Itoobiya ay dib u dhigto buuxinta biyo xireenka, ay dhawaan damacsan tahay inay ka sameyso Webiga Nile, si ay uga dhaliso quwad koronto. Qaraarka waxaa ku qeexan in Itoobiya laga doonayo inaanay hadda sameynin biyo xireenka Webiga Nile, illaa iyo inta heshiis saddex geesood kala gaareyso dalalka Masar iyo Suudaan.

Dhammaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa taageeray qaraarkaasi, marka laga soo taggo dalalka Somaliya, Jabuuti iyo Qatar.

Mowqifka Jamhuuriyadda Somaliya ee murunka Itoobiya iyo Masar waa uu cadyahay, haddii horaan uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay in dalkiisu dhexdhexaad ka yahay murunka labadaasi dal.

Wasiir Cawad oo Talaadadii ka hadlayay kulan muuqaalka foggaan araga ay ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ugu baaqay in ay murunkooda ku xaliyan wadahadal, ay cid kasta dan ugu jirto, isla-markaana ay ka gudbaan khilaafkoodaan muddooyinkii ugu dambeysay soo jiitamaayay.

Xukuumadda Qaahira ayaa maalintii Axada Qaramada Midoobey ka codsaday inay u kala dab-qaaddo ayaga iyo Xukuumadda Addis Ababa, si xal looga gaaro murunka biyaha Webiga Nile.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa bartamihii bishan Baarlamaanka Itoobiya ka hor sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay buuxinta biyo xireenkeeda ay korontada ka dhalineyso, sidoo kalana aanay Itoobiya wax dagaal ahi doonayn, balse haddii laga fursan waayo ay geli doonto.

Dowladda Itoobiya ayaa bisha soo socoto ee July qorsheyneysa inay buuxiso biyo xireenkeedan ay ka dhistay meel ku dhow xuduuda ay la leedahay dalka Suudaan.

Dowladda Masar waxaa ay ka biyo diidan tahay, iyadoo aan heshiis laga gaarin biyo xireenkaasi inay Itoobiya ku dhaqaaqdo, bacdamaa boqolka milyan ee reer Masar ay intooda badan ku tiirsan yihiin biyaha Webiga Nile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here