Somaliland Oo Xabsiga Kasii Deysay Fanaaniin U Xirnaa In Ay Muqdisho Kasoo Heeseen

0
839

Somaliland Oo Xabsiga Kasii Deysay Fanaaniin U Xirnaa In Ay Muqdisho Kasoo Heeseen

Maamulka Soomaaliland ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu xabsiga kasii daayay Fanaaniin muddooyinkaan dambe xirnaa kuwaas oo kala ahaa Barwaaqo qalanjo iyo Xamda qaali,waxaana loo heystay in ay kasoo heeseen magaalada Muqdisho kadibna ay ku laabteen Hargeysa.

Kadib sii deyntooda oo ay la hadleen Warbaahinta waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay dib u heleen Xorriyaddoodii iyaga oo tilmaamay in ay u mahadcelinyaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda.

Maamulka Soomaaliland ayaa horay sidaan oo kale Xabsiga ugasii daayay dad magic lahaa oo muddo dheer xirnaa waxaana ka mid ahaa Weriye C/maalik Muuse Coldoon,inta badana waxaa maamulkaas lagu eedeyaa in aysan ixtiraamin xurriyadda hadalka.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in kadib ka qeybgalkiisii shirkii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland lagala hadlay sii deynta dadka ku jira Xabsiyada ee u xiran arrimo la xiriira isku socodka labada dhinac,iyada oo siideynta fanaaniintaan oo muddo Laba bilood ah xirnaana loo malaynayo in ay ku timid wadahadlkii Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here