Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Saldhigga Milateriga Turkiga ee Muqdisho

0
384

Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Saldhigga Milateriga Turkiga ee Muqdisho

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ismiidamain ah uu ka dhacay saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa ahaa qof is miidaamiyay oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo doonayay inuu isku dhex daro ciidamo saf ku jiray oo loo diyaarinayay tababar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay toogteen qofkaas oo markii hore laga shakiyay, isagoo doonayay inuu dhex galo ciidamada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qofka is qarxiyay kaliya uu ku dhintay, waxaa jira dhaawacyo soo gaara Ciidamada.

Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho ayaa ah goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo, waxaa lagu tababaraa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here