DEG DEG : Somaliland oo ugu dambeyn ogolaatay qodobkii xasaasiga ahaa ee Wada hadaladii Jabuuti

0
686

DEG DEG : Somaliland oo ugu dambeyn ogolaatay qodobkii xasaasiga ahaa ee Wada hadaladii Jabuuti

Maamulka Somaliland ayaa ogolaaday in aal la isyaasadeyn isku socodka shacabka Koofurta iyo Waqooyiga isaga kala gooshaya oo aysan ku jirin Siyaasiyiinta labada dhinac.

War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah faahiyay wada hadaladii todobaadkii hore Jabuuti ku yeesheen wafuud ka kala socotay Soomaaliya iyo Somaliland oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Qodobkan ayaa ahaa kan ugu xasaasiga badnaa qodobada laga wada hadlayay, waxaana intii wada hadaladu socdeen mar lagu kala tagay, markii qodobkaas uu ka yimid dhanka Guddigii matalayay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu muujiyay howlaha horyaala Guddiyada farsamo ee labada dhinac ee loo qorsheeyay inay sii wadaan wada hadalada, kuwaasoo 45 cisho kaddib kulan isugu imaan doona, iyadoo kulamadaas uu fududeynayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ay soo saartay war murtiyeedka rasmiga ahaa ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo wada tashi badan uu ku jiray, kaasoo hakad ku yimid in la soo bandhigo, markii la soo gabagabeynayay wada hadalada todobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here