Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Woqooyi Ee Baarlamaanka Dalka

0
797

Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Woqooyi Ee Baarlamaanka Dalka

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Shacabka,iyaga oo ka doodayay Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here