Qorax Madoobaad Saaka Laga Arkay Meelo Badan Oo Kamid Ah Somalia

0
433

Qorax Madoobaad Saaka Laga Arkay Meelo Badan Oo Kamid Ah Somalia

Qorax Madoobaad ayaa saakay oo Axad ah lagu arkay Magaalooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

Culumada Cilmiga Xiddigaha ayaa shalay waxay saadaaliyeen inuu Qorrax madoobaad ka dhici doono dalal ka tirsan Khaliijka, Bariga Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoona saakay la arkay.

Dadka ku sugan Gobolada dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen qeyb kamid ah Qorraxda oo Madoobaatay, waxaana aad u adkeyd in laga arko Magaalada Muqdisho, maadaana Cirka uu lahaa daruuro waaweyn ama Caad.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Masaajido ku yaalla Muqdisho iyo Gobolada dalka lagu tukaday salaad Alle baryi ah, waxaana buux-dhaafiyay dadweyne farbadan.

Dhacdooyinka Qorraxda ama Dayaxa oo Madow noqdo waa arrin awoodda Rabi ku dhacda, loona baahan yahay inay dadka Muslimiinta ku cibaara qaataan iyo in la tukado Salaad iyo Taqwada Alla bari ah oo la badiyo xiliyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here