WHO Oo Digniin Kasoo Saartay Khafiifinta Xayiraadaha Coronavirus

0
376

WHO Oo Digniin Kasoo Saartay Khafiifinta Xayiraadaha Coronavirus

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (W-H-O) ayaa ka digay in xilligan la debciyo xayiraadaha ay dalalka soo rogeen Fayraska Korona awgii, isagoo sheegay in cudurka uu hadda galay xaalad khatar ah.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Khamiistii uu keliya ay W-H-O diiwaangelisay in ka badan 150,000 oo kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee maalin qura la shaaciyay.

Waxa uu intaa raaciyay inuu dareensan yahay dhibaatada ay xayiraadaha ku hayaan bulshada iyo dhaqaalaha, balse waxa uu ku baaqay in dalalka ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.

Digniinta W-H-O ayaa kusoo beegmaysa xilli dalal ay kamid tahay Britain ay hoos u dhigeen heerka khatarta cudurka, isla markaana ay dowladuhu qaadeen xayiraado badan oo dalalkooda saarnaa.

Guud ahaan caalamka oo dhan ku dhawaad 8.5 milyan oo qof ayaa qaaday cudurka, halka in ka badan 453,000 ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here