Midowga Yurub Oo Lacag Badan Ugu Deeqay Dalal Ay Ku Jirto Somalia

0
397

Midowga Yurub Oo Lacag Badan Ugu Deeqay Dalal Ay Ku Jirto Somalia

Ururka Midowga Yurub ee EU ayaa shaaca ka qaaday inay lacag farabadan ugu deeqeen dalal ku yaalla Geeska Afrika, kuwaasi oo uu sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo ku faafay Caalamka oo dhan.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in dalalka ay ugu deeqeen lacag dhan 67.4 million oo Dollar, isla markaana uu deeqda ka taageeri doono Urur Gobaleedka IGAD.

Dalalka lacagta loogu daaqay ayaa kala ah Uganda, Ethiopia, Erirea, South Sudan Somalia, Kenya iyo Sudan, kuwaasi uu sameeyay Cudurka COVID-19. iyadoo lacagta loogu talagalay Arrimaha Caafimaadka iyo sidii wax loogu caawin lahaa Bulshada.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagahaas deeqda si gaar ah loogu taageeri doono Qaxootiga, Barakacayaasha, Bulshooyinka ka gudba xududaha, ayna ku jiraan kuwa Muhaajiriinta,

“430,000 oo qof oo badankooda ah Haween iyo Carruur waxaa ay heli doonaan daryeel aas-aasi ah, halka 570,000 qof kalena ay heli doonaan biyo nadiif ah, Caafimaad iyo adeegyo kale oo nolosha muhiim u ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Midowga Yurub .

Ugu dambeyn Ururka Midowga Yurub ee EU ayaa tilmaamay in deeqda caawinaada dowladaha looga baahan yahay inay dadka uu sameeyay Cudurka COVID-19 u iibiyaaan Qalabka daaweynta oo ay ku jiraan in ka badan 8.5 million ee qalabka looga hortego Cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here