Dowladda Soomaaliya oo mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka

0
373

Dowladda Soomaaliya oo mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka oo lagu waday inay si rasmi ah u furmaan horaanta bishan June.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka duulimaayada gudaha, sababo la xiriira ka taxadarida faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegin xilli rasmi ah oo dib loo furayo duulimaadyada gudaha, waxaana bishii hore uu sidan kale u shaaciyay in la furayo duulimaadyada gudaha, hase ahaatee amar ka yimid R’iisul Wasaaraha lagu wargeliyay in illaa amar dambe aan la furi karin duulimaadyada gudaha.

Hase ahaatee mararka qaar ayaa waxaa garoonka soo caga dhigta diyaarado ka yimaada gobolada kale iyo kuwa dibadda oo soo qaada rakaab iyo shixnado.

Dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkan 2020 ayay aheyd markii la joojiyay dhammaan duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha, kaddib markii Soomaaliya laga helay kiisaskii u horeeyay ee Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here