Sawirro:-Dad Cudurka COVID-19 Ugu Dhintay Somaliland Oo La Gubay

0
431

Sawirro:-Dad Cudurka COVID-19 Ugu Dhintay Somaliland Oo La Gubay

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu gubay Meydadka Dad u dhintay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Dhacdada lagu gubay dadkaas ayaa ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Xeedho oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in dadka Meydadkooda la gubay ay lahaayeen kuwo Ajaanib ah oo u dhintay Cudurka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Xeedho oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Somaliland ayaa waxaa ay u sheegeen in duhurnimadii Maanta sheeda kore ay ka arkayeen Meydad deegaanka lagu keenayo gaadiid, kadibna la qabad-siiyay qab xoogan.

Sidoo kale shacabka ayaa walaac ka muujiyay Meydadka dadkii Ajaanibta ahaa ee la gubay, isla markaana waxaa ay sheegeen falkaas uu ka dhalan karo khatar Caafimaad oo halis ah ku ah noloshooda.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay uga hadleyso dadka Ajaanibta ah ee lagu Maanta lagu gubay deegaanka Xeedho ee duleedka Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here