Jabuuti Iyo Kenya Oo Maanta Ku Tartamaya Gursiga Golaha Amaankan Qaramada Midoobay

0
394

Jabuuti Iyo Kenya Oo Maanta Ku Tartamaya Gursiga Golaha Amaankan Qaramada Midoobay

Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa Gelinka dambe ee Maanta waxaa lagu wadaa inay doortaan Shan Xubnood oo kamid ah kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha,waxaana kuraastaas ku tartamaya qaar kamid ah dalalka Reer Galbbeedka iyo dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Loolanka ugu adag ee ku tartamida kuraasta ayaa waxaa uu dhex-mari doonaa dalalka Jabuuti iyo Kenya,kuwaas oo haatan olole ballaaran ugu jira in mid kasta uu kursigaas ku guuleysto,waxaana Codka dhiibanaya 193 waddan.

Sanadkii tegay ee 2019 ayaa Kenya ayaa waxaa ay heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrka, taas oo rajo gelisay inay kursigaan ay kula tartameyso Jabuuti ku guuleysan karto.

Kursiga ay haatan loolanka dag ugu jiraan helidiisa ayaaLabada dal ee Jabuuti iyo Kenya ayaa waxaa hadda haaya dalka Koofur Afrika,waxaana dalkii ku guuleysta uu heyn doonaa 2021-2022.

Sidoo kale Dalalka Mexico iyo India ayaa iyana u tartamaya helida kuraasta Xubinimada Qaramada Midoobay,waxaana jorin loolan adag oo ay la kulmayaan maadama aysan jirin dalal la tartamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here