Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Hadda U Ambabaxay Jabuuti

0
485

Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Hadda U Ambabaxay Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiir Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir Maanta u furmaya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo goobjoog ka noqon doona Shirka dhexmarin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, iyagoo kusii jeeda dalka Jabuuti, si ay uga qeyb galaan kulankaas.

Shirka oo furmi doona saacadaha soo socda ayaa waxaa weli la shaacin Ajendayaasha looga hadli doono, hayeeshee Shirkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa wada-hadallo horey u dhexmaray labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here