DEG DEG : Madaxwaynaha Jabuuti Oo Hadda furay Shirkii Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland

0
1190

DEG DEG : Madaxwaynaha Jabuuti Oo Hadda furay Shirkii Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland

Waxaa Goordhow Madaxtooyadda dalka Jabuuti si rasmi ah uga furmay Shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo Maanta gaaray halkaas.

Shirka ayaa waxaa shir Guddoominaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xalay shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi uu kulan sii doono, isla markaana labada dhinac ay yeelan doonaan wada-hadallo.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkaas looga hadlayo Arrimo kala duwan oo ku aadan Wada-hadalka Soomaaliya iyo Somalilad, waxaana lasoo werinayaa in kulanka uu yahay mid ay Albaabada u xiran yihiin.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku Casuumay, isla markaana goobjoog uu ka noqon doono inta uu socdo shirka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankaas ay fududeysay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale goobjoog ka ah la sheegay Wakiillo ka kala socda urur Goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Weli si rasmi ah looma oga Ajendayaasha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonaan, iyadoo uu shirkani imanayo xilli sida la sheegay uu jiro cadaadis Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi uga imanaya dowlado iyo dad ku lug leh arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here