Dowladda Somalia Oo Habraac Cusub U Dejisay Dadka Ka Duulaya Garoomada Dalka

0
459

Dowladda Somalia Oo Habraac Cusub U Dejisay Dadka Ka Duulaya Garoomada Dalka

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in horaanta Todobaadkaan dib loo fasaxayo duulimaadyada diyaaradaha ee dalka hase’ahaate waxa ay soo bandhigtay dowladdu habraac qeexaya hanaanka duulitaanka rakaabka.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ka hadlayay qorsha dowladdu u dejisay rakaabka ka duulaya Garoomada dalka waxa uu tilmaamay in la diyaariyay Jaakado iyo agab kale oo looga hor tegayo xanuunka Corona.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in looga baahanyahay dadku ay qaataan masuuliyad dheeraad ah maadaama Soomaaliya ay ka mid noqonayso dalalkii ugu horeeyay ee dib u fasaxa duulimaadyada iyada oo weli dunidu kala xirantahay.

Duulimaadyada gudaha iyo kuwa Caalamiga ayaa horay hakad loo geliyay sababo la xiriira ka hortaga Cudurka covid 19 oo sameyn weyn ku yeeshay caalamka,waxaana dowladda Soomaaliya ay tilmaantay in horaanta dodobaadkaan la fasaxayo duimaadyada in kasta oo aysan shaacin xilliga sida rasmiga ah ay u bilaabanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here