Somaliland Oo Shaacisay kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah

0
454

Somaliland Oo Shaacisay kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah

Soomaaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 80 qof balse cudurka laga helay 18 ruux,kuwaas oo kala jooga 15 qof Magaalada Hargeysa iyo 3 Ruux oo Boorama ku sugan,kuwaas oo ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay isugu jiraan 10 Rag ah iyo 8 Dumar ah,kuwaas oo da’dooda u dhaxeyso 9 jir ilaa 80 Sano jir halka ay Cudurka ka bogsadeen 6 Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 376 Ruux 54 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 Ruux ay u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here